Haweenka ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa maanta u dabaaldagay Munaasabadda 8-bisha March oo ku beegan maalinta haweenka Aduunka.
Munaasabad kooban oo ka dhacay Xarunta Xalane ee Magaalada muqdisho waxaa ka qeyb galay Haweenka Ciidamada AMISOM ka tirsan, iyo haween kale oo ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo saraakiil Ciidan.
Judy Lamet oo ah Haweeney kasoo jeedo dalka Kenya ahna Kaaliyaha ciidamada Booliska Midowga Africa AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajisay inaan nabad ilaalin la sameyn karin haddii aanan garab laga helin haweyna maadaama ay ku sheegtay inay yihiin xiriir dhaw la leh dadka.
Dhanka kale Lydia Wanyoto oo ah ku xigeenka madax Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay taageereyso haddii la kordhinayo tirada Haweenka ka tirsan ciidamada MIdowga Africa ee Soomaaliya kuwaas oo kamid ah booliska iyo Militariga.





