Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya ayaa digniino u jeediyay Milkiilayaasha Hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho oo ku aadan in ilaaladooda ay ka badalaan dharka Tuutaha ay wataan oo lagu garto Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya islamarkaana ay u Tolaan dhar gaar ah oo lagu yaqaano.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed (Bood) iyo ku-simaha wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ka qeyb galay kulan loogu hadlaayay amaanka oo shalay ka dhacay magaalada muqdisho ayaa isku raacay in dhar gaar ah loo sameeyo Ciidamada loogu talagalay ilaalinta Hoteelada Magaalada Muqdisho, si meesha loogu saaro isku ekeenshaha Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Hoteelada ilaaliya.
ku-simaha wasiirka amniga Gudaha Xukuumad Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya ay xiligaan wixii ka dambeeya aysan ogolaan doonin in ilaaladda Hoteelada Muqdisho ay xirtaan dharta tuutada islamarkaana muddo loo ogolaanayo Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho in dhar gooni ah ugu tolaan ilaaladooda.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed maxamed aadan Axmed (Bood) ayaa sheegay in dharka ay xirtaan ilaalada Hoteeladda magaalada Muqdisho ay ka qeyb qaadan karaan amni xumida Magaalada Muqdisho,madaama shabaabka fuliya weerarada ay xirtaan dhararka noocaas oo kale.

