Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa maanta booqday wafdi uu Hogaaminaayo Xoghayaha guud ee Qaramada Mdioobay Antonnio Guterres oo ay weheliyaan mas’uuliyiin uu kamid ahaa Ergayga QM u qaabilsan Somalia Micheal Keating iyo wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomaliya.
Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka iyo saraakiil Ciidaan.
Soo dhaweyn kadib Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonnio Guterres ayaa booqday Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo oo ay ku jiraan shacab farabadan oo halkaasi loo jiifiyay xanuuno ka dhashay Abaarta.
Antonnio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay iyo Micheal Keating oo uu wehliyo Madaxa arimaha gargaarka iyo bini’aadamnimada de Clercq ayaa hal hal u booqday bukaanada waxa ayna su’aaleen xanuunada haya.
Intaas kadib Antonnio Guterres oo shir Jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay jawaab deg deg ah ay ka bixin doonto xaaladda abaareed ee xiligaan ka jirta Soomaliya.
Waxa uu sheegay Antonnio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay in Bukaanada uu soo arkay ay u badan yihiin Carruur aad u da’yar waxa uuna ku baaqay in lalaba jibaaro gargaarka Abaaraha Somalia.
Dhankale Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Micheal Keating ayaa sheegay in il gaar ah ay ku heyn doonaan xaaladda abaarta ee xiligaan Soomaliya ka jira islamarkaana ay sii wadi doonaan u gurmashada shacabka Soomaliyeed.





