Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday xukunka 5 qof oo qirtay in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al- Shabaab, sida ay maxkamadda horteeda ka qireen Xeer Ilaalinta iyo dadka lagu eedeeyey falalkan.
Maxkamadda ayaa 6 kamid ah eedaysanayaashan ku riday xukun xariga ah, waxaana lagu eedeeyey in ay qeyb ka yihiin Al- Shabaab, sidaas oo kalena ay qeyb ka ahaayeen falal amaan darro oo ka dhacay Gobalada maamulka Puntland, mudooyinkii dambe.
Dhalinyarada lagu Xukumay
1:-Cabdiwaaxid Macalin Axmed oo 22- sano jir ah waxaa lagu xukumay 10 oo xarig ah.
2:-Maxamed Cali Xuseen oo 22 sano jir ah ,waxaa lagu xukumay 10 –sano oo xarig ah.
3:-Yaasiin Maxamed Cabdi oo 39-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano
4:-Cabdulahi Maxamed Barre oo 19-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.
5:-Ibraahim Yusuf Muxiyadiin oo 17-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.
6:-Maxamed Cabdiqani Xasan oo 33 –sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.
Maxkamad-da ayaa sidoo kale dil toogasho ku xukuntay Mubaarak Mire Muumin iyo Faysal Ibraahim Cali ,waxaana labadan qof oo ahaa askar ka tirsan ciidanka Puntland ay ku eedeysnaayeen dilka qof shacab ah.

