Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Isku Shaandheyn Ku Sameynaya Golihiisa Wasiiradda

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan oo shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dhawaan isku shaandheyn uu ku sameyn doono Golihiisa Wasiiradda.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku tilmaamay Talaabada uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiiradda ay tahay mid uu ku doonayo in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya uu horumar ku gaaro,islamarkaana loo baahan yahay in isbadal la sameeyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa qaar kamid ah Golihiisa wasiiradda ku aamanay shaqooyinka ay hayaan iyadoo lagu shaqeynayo daruufo kala duwan oo xagga amaanka iyo dhaqaalaha ah.

“Hadduu Alle idmo waxaan rajeenayaa inaan dhawaan isku shaandheyn ku sameeyo wasiirada koonfur Galbeed oo kusoo shaqeeyey duruufo kala duwan oo dhanka amaanka iyo dhaqaalaha ay ugu horreyso, gabdho iyo ragga intaba way ka kooban yihiin, waxaana rabaa inaan u mahadceliyo ka hor inta aysan dhicin isku shaandheyntaas” ayuu yiri madaxweyne Shariif xasan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here