Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Dhageysatay Dacwada Eedeysanayaasha Qaraxii Waabari

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta dhageysatay dacwad loo heysto 7-eedeysane oo loosoo qabtay qarax dad badan lagu laayay oo sanadkii hore ka dhacay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay 7-eedeysane ee loo soo qabtay qarixii ka dhacay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaa lagu soo qabtay eedeysanayaasha Howlgal Ciidamada NISA ay ka sameeyeen Garaash ku yaala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir halkaas oo dowladda ay la wareegtay.

26-kii November sanadkii 2016-kii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, weerarkaas waxaa ku dhintay 20-ruux halka ay ku dhinteen 30-kale oo shacab ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here