Wasiir Qarjab:-Al-shabaab Way Nalaayaan, Anaga Xabsiyada ayaan Ku Kurinayaa”,+Dhageyso

0

Wasiirka amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulkaas ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay weli xabsiyada la iskaga hayo Al-shabaab-ka ku duulay deeganada Puntland, kuwaas oo horey loogu xukumay xukun dil toogasho ah, balse aan lagu fulin.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay Al-shabaab inay ugaarsi xoogan ku hayaan mas’uuliyiinta Puntland, iyo shacabka halka iyaga maxaabiista laga qabto lagu koriyo xabsiyada, qaarna si hoose loosiidaayo waa siduu hadalka u dhigee.

“Qofkii la qabto waa in Maxkamadd la geeyaa oo la dilo, anaga kuwa aan ku qabanay Garmaal iyo Garacad oo 800-boqol ahaa kuwii aan soo qabanay waxna kama dilin, anaga Al-shabaab nama daayaan hadii ay na qabtaan, Puntland waxay go’aan ku gaartay in la dilo kuwa Xabsiyada lagu hayo, waxaa sidoo kale idin sheegayaa in Al-shabaab la dilo kuwa soo dhaweeyay la dilodoono”, ayuu yiri wasiir Qarjab.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili xabsiyada Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ee deeganada maamulka puntland ay buux dhaafiyeen dadka loo haysto in ay ka Tirsan yihiin Al-shaabab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here