Madaxweynaha dowladda soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa muqidhso kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada dowlada soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Nabad Sugidda isagoona kala hadlay dilalki ugu danbeeyay ee muqdisho ka dhacay.
Madaxweynaha ayaa ku amray saraakiisha ciidamada in ay soo qabtaan shaqsiyaadki ka danbeeyay dilalki ugu danbeeyay ee magaalada muqdisho ka dhacay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliyayaasha faray in la soo qabtay dadka dilalka fuliya hadii howshaasna si wanaagsan aysan saraakiisha u qaban xilalka weyn karaan.

