Jose Morinho oo ka Hadlay in uu Fursad u Helay In uu Qabto Shaqada kooxda Manchester United

0

Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka Hadlay in fursad uu u helay in uu qabto shaqada kooxda Manchester ka Hor inta uusan shaqada ka Fariisanin macalin Sir Alex Ferguson’

Ninka reer Portugal ayaa kasoo dhaqaaqay kooxda Real Madrid ee Horyaalka dalka Spain isagoona dib ugu soo laabto kooxdiisa Hore ee Chelsea kadib markii uu iska diiday dalab kaga Yimid kooxda Manchester United

Jose Morinho ayaa dib ugu soo laabtay xili ciyaareedkii 2013 bishii June isagoona heshiis 4-sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan Galbeed Magaalada London ee Che;lsea

Warar waxaa jirey oo ku aadan in macalinki Hore ee kooxda Inter Milan uu qaban doono shaqada kooxda Manchester United kadib markii la shaaciyay in Sir Alex Ferguson’ uu shaqada ka fariisan doono

David Moyes ayaa shaqada kooxda Manchester United qabta wuxuuna kooxda ku Hogaamiyay Kaalinta 7-aad ee kala sarenta Horyaalka dalka Ingiriiska xili ciyaareedkiisa Ugu horeeyay

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here