7-Qof Oo Ku Geeriyootay Deegaanka Leego (Dhageyso)

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in 7 qof ay ku geeriyoodeen Tuulooyin hoosyimaada deegaanka Leego.

Gudoomiyaha deeganka Leego Abuukar Al-cadaala oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in xaalad xun ay ka jirto deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in biyo la aan ay 7 qof ugu dhinteen tuulooyin ku dhow deegaanka leego ee Gobolka Shabeelah hoose.

Abuukar Al-cadaala ayaa tilmaamay in haatan meydadka dadka la aasay qaarkood kuwa kalana ay aasayan saacadaha soo socda.

Meelo badan oo kamid ah dalka waxaa ka jira abaaro saameeyay dadka iyo duunyada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here