Warar ay ka heleyso idaacadda simba ee magaalada muqdisho ayaa ku waramaya in gordhow magaalada b/weyne xaafad kamid ah ay qabsadeen ciidamo gadoodsan.
Ciidamo boolis ah islamarkaana hubeysan ayaa waxa ay la wareegeen Xaafada Xaawa-taako oo kamid ah xaafadaha magaalada B/weyne.
Dad ku sugan xaafada Xaafada Xaawa-taako ayaa u sheegay idaacadda simba in ciidamada ay mararka qaar ridayaan risaas xoogan.
Ciidamada booliska ee qabsaday Xaafada Xaawa-taako ayaa ka cabanaya sida la sheegay Mushaar la’aan heysata in mudo ah.

