Xili dhawaan degmada cadalle ee gobolka sahbeelaha dhexe ay ka dahceen dagaal beeleedyo qasaare geystay ayaa dhinaca kale waxaa soconayo dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo dagaaladaasi.
Gudoomiye ku xigeenka 1 aad Amniga iyo Siyaasada ee degmada cadale C/raxmaan Axmed Cabdi oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in maamulka degmada ay haatan wadaan dadaalo la isugu keenayo kulamo kala duwan odayaasha ay ka soo kala jeedaam beelihi dhawaan ku dagaalamay degmada Cadalle.
Dagaaladi dhawaan ka dhacay degmada cadalle islamarkaana u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed hubeysan waxaa ku dhintay dad gaaraya 15 qof.
Dadki ku nool degmada ayaa barakac sameeyay inkastoo haatan dadka qaar ay bilaabeen in degmada ay dib ugu soo laabtaan.

