Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu goordhaweyd ka dhacay gudaha degmadaas.
Qaraxa ayaa lagu xiray gaari kuwa Raaxadda ah oo marayay xaafadda Zeeno oo u dhaxaysa Dabaakayo Madow iyo dabakaayo Cagaar Degmada Dherkinley, sida idaacadda Simba ay u sheegeen dad halkaas ku sugan.
Ilaa haatan si dhab looma oga cida lala beegsaday qaraxaan goordhaweyd degmada Dharkinley ee Gobolka banaadir.
Wixii kusoo Kordha kala Soco Simbanews.com

