Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya iyo aqalka Sare ayaa codka kalsoonida siiyay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta hortagay Baarlamaanka.
231-xildhibaan oo isugu jiray aqalka Sare iyo Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa fadhiga Baarlamanka Soomaliya soo xadiray maanta oo arbaca ah, waabna kalfadhiga Kowaad.
Codeyn gacan taag aheyd kadib Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Jawaari ayaa sheegay in 231- xildhibaan ay codka kalsoonida siiyay Raisulwasaaraha, ma jirin wax ka aamusay, ama diiday.

