Madaxweynaha Soomaliya oo Furey Kalfadhiga Kowaad ee Baarlamaanka Soomaliya+Sawirro

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaaa goordhaweyd furey Kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka tobonaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Kulanka baarlamaanka waxa ku sugan inta badan Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya,aqalka Sare, iyo Guddoonka Baarlamanka Soomaliya iyo aqalka Sare.

Waxaa sidoo kale kulanka ku sugan Raisulwasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali oo Xildhibaanada labada aqal ka sugaya in ay cododka Kalsoonida ay siiyaan si uu usoo dhiso Xukuumadda.

Qodobka 90 aad ee dastuurka qaranka ayaa madaxweynaha dalka waxaa uu fareyaa in uu furo kalfadhiyada golaha shacabka, iyadoo kalfadhigan todobaad uu Baarlamaanka Soomaaliya uga dhigan yahay kalfadhigii ugu horeeyay golaha shacabka iyo aqalka sare.

Kalfadhigan maanta sida uu qorshuhu yahay furmi doona waxaa Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa in uu codka kalsoonida siiyo Ra’iisulwasaaraha magacaaban xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.


CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here