Somali-land ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hadal heynta ku aadan in Xanuun uu soo wajahay madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo islamarkaana uu safar ugu baxay dalka Ingiriiska.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), oo u waramay Warbaahinta magaalada hargeysa ee Somali-land, ayaa sheegay in Madaxweynuha Somali-land caafimaad qabo
“Intii aan ogaa Madaxweynuhu wuu caafimaad qabay, markii hargeysa ka tagayanaya wuu caafimaad qabay, wax war ah oo aanu ka helnay a oo ku saabsan xaaladiisana ma jiro,ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Somaliland.

