Maamulka degmada Dharkinley ee Gobolka banaadir ayaa maanta gudaha degmadaas kusoo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka dambeeyay dilka Ala ha u naxariistee Cabdiqaadir Qaasim Mursal oo ka tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya islamarkaana horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan.
Ninkaan da’ahaan lagu qiyaasay 27-sano jir oo magaciisa lagu sheegay Saalax Maxamed Abuukar ayaa lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay gudaha degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir saacadihii aynu soo dhaafnay.
Maamulka Degmada Dharkinley ayaa sheegay in loo gacan galin doono shaqsigaan ka dambeeyay dilka C/qaadir Qaasim Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya si ay ugu fuliso xukun.


