Saacadaha Soo Socda maxkamadda magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa dhageysan doonta Dacwado loo heysto 118-dhalinyaro Soomaliyeed oo ku eedeysan falal burcad Badeednimo.
Dhalinyaradaan ayaa dhamaantooda ku eedeysan Falal burcad Badeednimo waxaa lagu soo qabtay howlgal Ciidamada Nato ay ka sameeyeen biyaha Indian Ocean sanadihii aynu soo dhaafnay.
Qaar kamid ah Dhalinyarada oo dhawaan lasoo xiriiray idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aheyn Burcad badeed,islamarkaaan Dowladda Hindiya ay gacanta kusoo dhigtay iyagoo kuluumysanaya biyaha Soomaliya.

