Wada-hadal u Furmaya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca+Dhageyso

0

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in uu wada-hadal la furo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusun Waljameeca oo siyaasad ahaan aan la dhacsaneen Maamulka Galmudug oo si KMG ah ugu shaqeynaya Cadaado.

Xildhibaan Duraan Cali jaamac oo kamid ah baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho aya sheegay in wada-hadal ay la furi doonaan Maamulka Ahlusuna Waljmeeca.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Ahlusuna laga qancin doono waxa walba ay ka tabanayaan Maamulka Galmudug oo 19-kii bilood aynu soo dhaafnay uu hogaaminayay C/kariin Xuseen Guuleed oo todobaadkaan gudihiisa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

Dhanka kale Xildhibaan Duraan Cali jaamac oo kamid baarlamanka Galmudug ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku nool deeganada ay maamulaan ahlusuna Waljameeca ay xiligaan ka jirto abaar tii ugu xumeyd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here