Ahlusuna Waljameeca oo Deeganadeeda u Ogalaatay Madaxda Maamulka Galmudug

0

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa la kulmay madaxda dowladda Soomaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale.

Shiikh Axmed Shaakir Cali Xaan oo wax ka badan todobaad ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay Xafalado lagu soo dhaweynayay imaanshihiisa Magaalada Muqdisho, Xafladaas waxaa kasoo qeyb galo Xildhibaano, iyo dad shacab ah oo taageersan maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca.

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan oo shalay la kulmay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed farmaajo ayaa kala hadlay siyaasadda Gobolada Dhexe iyo sidii Maamulka Ahlusuna Waljeemaca ugu biiri lahaa Maamulka Galmudug oo haatan yeelanayo hogaan cusub kadib iscasiladii C/kariin Xuseen Guuleed.

Intaas kadib Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in dadka kasoo jeeda deeganada Gobolka Galgaduud ha ahaado mas’uul ka Tirsan Galmudug ama shacab in hada wixii ka dambeeya ay tagi karaan Magaalooyinka Gurceel, Dhuuso Mareeb iyo magaalooyin kale, talaabadaan ayaa loo arkaa mid sahlaysa in Ahlusuna la qanciyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here