Xiliga uu Raisulwasaaraha Magacaaban Hortagayo Baarlamaanka Soomaliya oo La Shaaciyay

0

Maalinta Arbacada ah Taariikhdana ay ku beegan tahay 1/3/2017 waxaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmaya Kalfadhiga kowaad ee mudanayaasha baarlamanka Soomaliya.

Kalfadhigaas ayaa lagu wadaa in la horgeeyo Raisulwasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in shaqada ugu horeysa ee Barlamaanka Soomaaliya uu qaban doono marka uu isku soo laabto ay noqon doonto ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub.

Haduu helo codka kalsoonida Xildhibaanada baarlamanka Soomaliya waxa u soo dhisi doonaa Xukuumadda Soomaliya, hadii dib loo celiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo Raisulwasaare cusub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here