Irene Clennell oo ku jirtay xarun lagu hayo dadka ayaa BBC-da u sheegtay in loo masaafuriyay dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday iyada oon waliba wax digniin ah la siinin.
Waxay ninkeeda kula noolayd meel u dhaw Durham, waxayna dhashay labo wiil oo reer Britain ah iyo gabadh ay ayey u tahay oo UK ku nool.
Wakhtiyo ay Britain meel ka baxsan aaday si ay u xanaanayso waalidkeed ayaa loo malaynayaa in ay wax u dhintay degenaanshihii dalka Britain ee ay haysatay. Xafiiska arrimaha gudahu kama jawaabo kiisaska shaqsiyaadka.
Clennell ayaa BBC u sheegtay in bas yar lagu qaaday oo garoonka la geeyay Sabtidii.
Xaruntaas ayaana lagu hayay tan iyo billawgii bishan feebaraayo.
Waxay BBC-da u sheegtay in ay awoodi wayday in ay xiriir la samayso qareenkeeda isla markaasna aysan helin fursad ay dharkeeda kaga soo qaadato guriga.

