Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Difaacay Wasiiradii uu Magacaabay Todobaadkii aynu Soo Dhaafnay

0

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay mooshin ay Xildhibaanada baarlamaanka Maamulkaas ay ka gudbiyeen iyo sida loogu hor yimid Wasiiradii uu dhawaan Magacaabay.

Madaxweyne Osoble ayaa difaacay wasiirada uu Magacaabay Todobaadkii aynu soo dhaafnay kuwaasi oo ka koobnaa 23-wasiir, 23-wasiir ku-xigeenka iyo 6-wasiiro dowle, waxaa haatan jowhar laga dareemayaa sida Xildhibaanada ay ugu soo horjeedaan wasiirada la magacaabay inkastoo wasiirkii beeraha Maamulkaas uu iscasilay.

“10 sax hal qalad uu ku jiro, halka qalad inaa fiiriso ma ahan, sagaalka saxda ayaa ah meesha uu miisaanka jiraa, hadaad u aragto in waxaan ay qaldan yihiin, Xukuumadda ha u codeyn, ma loo baahno in Xildhibaan uu idaacado tago oo uu buuq sameeyo”ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Osoble in Xildhibaanada qaar ay is arkeen, isagoo xusay inuu jiro qalad, balse qaladkaas dib laga sixi doono, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in Xildhibaanada qaar inay u qeylinayaan xilal la siiyay qof walaalkood ah oo ay isku qabiil yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here