Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa Maanta kulankooda caadiga ahaa waxay ay ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya,
Kulanka Maanta ayaa loogu doodi donaan aqrinta labaad ee qaarka darbiga ay dowlada Kenya ay sheegtay in ay ka dhisi doonto xuduud beenaadka soomaliya iyo Kenya ay wadagaan.
Habdhowraha Baarlamanka soomaliya xildhibaan Maxamed cumar Maxamuud oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulanka maanta mar kale loogu doodi doono qaraar ay soo gudbiyeen gudiga arimaha Gudaha iyo dibada ee Baarlamanka soomaliya oo ku aadan Darbiga ay dowlada Kenya ay sheegtay in ay ka dhisi doonto xuduud beenaadka soomaliya iyo Kenya
Habdhowraha Baarlamanka soomaliya waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka Maanta su’aalo lagu weydin doono gudigii isku dhafka ahaa ee dhawaan Gaaray degmada balad-xaawo kuwasoo wax badan kasoo ogaaday waxa ka jira xuduud beeneedka soomaliya iyo Kenya.

