Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyay sababihii ka dambeeyay magacaabista Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo Todobaadkii aynu soo dhaafnay la magacaabay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre uu yahay shaqsi aad u yaqaana maamulka islamarkaana lasoo shaqeeyay hay’ado caalami ah i sidaas ugu xushtay xilka Raisulwasaaraha.
“Sidaad la socotaan, Ra’iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre, waa shaqsi leh aqoon maamul iyo mid bini’aadannimo, ahna xilligaan la joogo masuul ku habboon xaaladda dalka, waxa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu igula shaqeyn kara mabaadideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dad badan ayaa aaminsanaa in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu magacaabi doono shaqsiyaad kamid ahaa musharixiintii kula tartamayay Xilka Madaxweynaha Soomaliya.

