Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay garab istaagaan dowladda cusub ee la soo dhisi doono, si loo dardargeliyo howlaha adag ee hor yaalla dowladda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in raisulwasaaraha uu magacaabay uu yahay shaqsi howlkar ah islamarkaana kasoo bixi kara howlaha loo magacaabay waa siduu hadalka u dhigee.
Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu sheegay in hadii Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya ay codka kalsoonida siiyaan Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ay taasi fududeynayo in Raisulwasaaraha uu si dhaqsi leh kusoo magacaabo Golihiisa wasiirada.

