Akhriso:-Sacuudiga oo Dowladda Soomaliya Ka Caawinaya Lix Mashruuc

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo safar labo Maalin qaatay ku tagay dalka Sacuudi Carabia ayaa dowladaha Dalkaas kula soo heshiiyay qodobo dhowr ah oo ka qeyb ah dib u dhiska dalka.

Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya ay madaxweynaha Soomaaliya u ballan-qaaday illaa lix arrin oo muhiim u ah dowladnimada. Sacuudiga waxaa ballan-qaaday:

1 – Kabidda miisaaniyadda Soomaaliya.
2 – Dhismaha xarumaha ay Ku shaqeeyaan dowladda iyo wasaaraheeda.
3 – Dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub
4 – Dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka.
5 – Furitaanka safaaraddii Sacuudiga ee Muqdisho.
6 – Taageridda Sacuudiga ee arrimaha abaaraha dalka ka jira.

Ballan-qaadyada Sacuudiga waxaa ay imaanayaan kadib markii booqasho labo maalmood ah uu halkaasi Ku tagay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taasi oo ahayd safarkiisii ugu horreeyey ee uu dalka kaga baxo isaga oo madaxweyne ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here