Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa aaminsan in xili ciyaareedkaan kooxda Paris Saint-Germain ay ku guuleysan doonto koobka Champions League.
Kooxda Horyaalka dalka France ee Ligue 1 ayaan gaarin sanadihii dambe quarter-final-ka sadaxdii sano aynu soo dhaafnay laakin weeraryahanka reer Sweden ayaa aaminsan in sanadkaan Paris Saint-Germain ay meel wanaagsan gaari doonto
“Waxaan xili ciyaareedkii Hore aan sameenay Bandhig wanaagsan waa Fursad weyn In aan xili ciyareedkaan ku guuleysano koobka Champions League ayuu wariyaasha u sheegay.

