Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya Qoraal kooban uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitterka waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeyaan Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
Qoraalka ayaa u qornaa sidan “Waxaa Shacabka Soomaaliyeeed dhamaantood aan farayaa in ay Garab istaagaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee aan soo Magacaabay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Hassan Ali Kheyre ayaa xilal kala duwan waxa uu ka soo qabtay Hay’adda Norwegian Refugee Council oo loo soo gaabiyo NRC.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa heysta Dhalashada Dalka Norway.

