Farmaajo:-“Dilalka iyo Qaraxyada ay Geystaan Al-Shabaab Ma Cabsi Galin Doonaan Shacabka”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta hadal ka jeediyay Xafladda Caleema-saarkiisa ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee dowladda dagaal kula jiro, ay in isasa soo dhiibaan islamarkaana ay ka shaqeyaan hormarka dalka iyo dadka.

Madaxweynaha ayaa sheegay In qaraxyadii Xarakada Al-shabaab ay dalka ka fuliyeen sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2016-ka ay ku dileen in ka badan 900-qof oo shacab ahaa, kuwaasi oo u badnaa Dad da’dah, iyo Caruur.

“Waxaan rabaa in aan baaq u diro dagaalyahanada Xarakada ee dowladda Soomaliya dagaal kula jiro, run ahaantii qaraxyadii iyo weeraradii Al-shabaab fuliyeen sanadkii aynu soo dhaafnay waxa ay ku dileen 900 oo qof oo shacab ahaa, waa ku jiray dad da’ah iyo Caruur, weerarkii ay fuliyeen todobaadkaan gudihiisa waxa ay ku dileen in ka badan 40-ruux, waxaan idin sheegayaa in umadda Soomaliyeed oo malaayiin ah in aysan cabsi galin doonin dilalka iyo qaraxyada aad geystaan”, ayuu yiri madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dowladda cusub ay fursado siin doonto dhalinyarada ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ee dowladda kusoo biirayo islamarkaana loo abuuri doono shaqooyin iyo mustaqbal wanaagsan oo kaga wanaagsan midka hada ay ku haystaan Al-shaabab.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dowladiisa ay xoogga saari doonto sidii loo adkeyn lahaa amniga dalka, waxa uu balan qaaday in la dhisi doono Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaliya si loogu maarmo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here