Shirweynaha Qaran ee Horumarinta Saxaafadda Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay

0

Waxaa goor dhaweyd Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya ka Furmay Shirweynaha Qaran ee Horumarinta Saxaafadda Soomaaliya, iyadoona shirka ay ka qeyb galayaan wasiiro ka Tirsan wasaarada Warfaafinta dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka Jira.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  oo Saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in Muhiimada shirkaan uu yahay.

  • in ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo wasaaradaha warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah dowlada Soomaliya, si ay isaga wareystaan xaaladaha warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.
  • In warbaahinada Madaxa bannaan Fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasada la xiriirta habka ay bulshada Soomaaliyeed Fariin sax ah u gaarsiin lahaayeen
  • In aan Fursad u helno Hay’adaha Taageera warbaahinta Soomaaliya, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaiyeed, lana nidaamiyo caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta  xukuumada soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye   ayaa Tilmaamay in shirka ay ka rajeynayaan in natiijooyin wanaagsan ay kasoo baxaan markuu soo dhamaado.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirada warfaafinta Maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka jira sida Jubaland,Koofur Galbeed , Puntland iyo Galmudug kuwasoo Dhankooda soo dhaweeyay Furitaanka shirka Maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya,

Wasaarada Warfaafinta xukuumadda soomaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay in Shirkan uu socon doono muddo labo maalmood ah, iyadoona ay ka qeyb Gali doonaan wakiilo ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa bannnaan  iyo hay’adaha warbaahinta Taageera.

IMG_0413 IMG_0415 IMG_0428 IMG_0447 IMG_0450 IMG_0472 IMG_0476 IMG_0485 IMG_0489 IMG_0494

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here