Madaxweyne Farmaajo oo Hal Arin Loogu Baaqay in uu Sameeyo Si Dowladiisa u Guuleysato

0

Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Suggida Somaliya Cabdi Salaan Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo in uu ka shaqeeyo sidii loo kordhin lahaa mushaaraadka ay qaataan Ciidamada dowladda federaalka Soomaliya.

Cabdi Salaan Guuleed Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Suggida Somaliya waxa uu tilmaamay in Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaliya ay u baahan yihiin in la dhisi mooralkooda islamarkaana laga shaqeeyo sidii loogu heli lahaa qalab wanaagan iyo mushaar joogto.

“Maalmaha ugu soo horeeyaba shirarka uu geli doono iyo wadamada uu tagi doono inuu ka codsado mushaardkooda in kor loo qaado oo laga dhigo Afar boqol iyo wixii ka koreeya ciidanka in la kordhiyo oo Shan iyo labaatan kun , ilaa sodonkun laga dhigo.” Ayuu yiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad Suggida Somaliya Cabdi Salaan Guuleed.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan amar ku bixiyay bixinta Mushaaraadka Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaliya oo wax gano ah aan helin 9-kii biloood aynu soo dhaafnay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here