Wararka Saakay ka imaanaya Magaalda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Barakac xoogan uu ka Bilowday Gudaha Magaaladaas Kadib burbur ku Yimid xabad joojintii shalay la kala dhaxdhigay Ciidamadii dhawaan ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo,
Dadka Magaalada Gaalkacyo oo saakay la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in habeenimadii xalay ay bilaabeen Barakaca cabsi ay ka qabaan waxyeelo mar kale kasoo gaarta dagaal mar kale ka dhaca Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Warar soo baxaya ayaa Tilmaamaya in dhanka Maamul Puntland ay kasoo Horjeesteen xabad joojinta la kala dhaxdhigay Ciidamadii dhawaan ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Shalay ayay aheyd markii Odoyaasha iyo waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay xabad joojin kala dhaxdhigeen Ciidamadii ka kala Tirsanaa Maamulada Galmudug iyo Puntland ee ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo.

