War kasoo baxay Hay’adda bad mareenada Caalamka ayaa lagu sheegay in waqtigaani ay dib usoo laabaneyso awooda weerarada ay geesanayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ku sugan Badweynta Hindiya.
Warkaani ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in ay weeraro ku qaadeen kooxaha burcadeeda meelo ka baxsan biyaha Soomaaliya iyadoona ay gacanta ku dhigeen doomo laga kala leeyahay wadamada Thailand, Pakistan iyo Iran.
Dhanka kale Hay’adda bad Mareenada Caalamka ayaa Tilmaamtay in arintaani ay khatar ku noqon doonto isku socodka biyaha Badweynta india oo ay badi isticmaalaan doomo iyo maraakiib caalami ah.
kooxaha Burcad badeeda Soomalida ayaa shalay afduub u geystay dooni laga lahaa wadanka Thailand iyagoona ula dhaqaaqay dhanka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

