Gudoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban Maamulka Gobolka Shiikh Cali Jabal oo la hadlay warbaahinta Al-shaabaab ayaa sheegay in dagaa u dhaxeeya dowladda Soomaliya iyo Al-shabaab in uu halkiisa kasii socon doono.
Shiikh Cali Jabal ayaa sheegay ayaa tilmaamay in dagaalka u dhaxeeya Dowladda federaalka Soomaliya oo garab ka helaya wadamada Dariska iyo Xarakada Al-shabaab in uu yahay mid waajib ah islamarkaana lasii wadi doono inta dhamaan dalka lagu dhaqi doono shareecadda islamarkaana waa sidii hadalka u dhigee.
Gudoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Sheekh Cali Jabal, ayaa sheegay in Guusha Farmaajo aysan ka dhigneyn in Al-shabaabku ay joojinayaan dagaalka ay kula jiraan Dowlada.
Shiikh Cali Jabal waxa uu Sidoo kale sheegay inaanu farqi u dhexeyn Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, sidaa darteedna uu dagaalku noqon doono mid sii socda, sida uu hadalka u dhigay.
Cali Jabal waxa uu sheegay inay diyaariyeen Dagaalyahaano gaara oo loogu tallo galay inay la dagaalamaan Dowlada cusub, waxa uuna shaki galiyay in Al-shabaab ay joojin doonaan dagaalka haddii la doortay Farmaajo.

