Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Banki Moon ayaa u magacaabay Mr’ Michael Keating oo u dhashtay dalka Ingiriiska Ergeyga Cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Michael Keating oo u dhashtay dalka Ingiriiska ayaa la sheegay in uu qibrad badan u leeyahay Howlaha Qaramada Midoobe isagoona kasoo shaqeeyay Afghanistan, Bariga dhexe , iyo meelo kamid ah Qaarada africa.
Sidoo kale Ergeyga Cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa soo noqday agaasimihii Chatham House sanadkii 2012-ka sida lagu sheegay warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe,
Nikolas key ayaa ahaa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mudo gaareysa labo sano iyo Bar isagoona arimo badan ku guuleystay intii uu xafiiska Qaramada Midoobe Soomaliya Maamulayay.


Cali Mahdi Catoosh liked this on Facebook.