Qaramada Midoobe oo Magacawday Ergeyga Cusub ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

1

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Banki Moon ayaa  u magacaabay Mr’ Michael Keating oo u dhashtay dalka Ingiriiska Ergeyga Cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Michael Keating oo u dhashtay dalka Ingiriiska ayaa la sheegay in uu qibrad  badan u leeyahay Howlaha Qaramada Midoobe isagoona kasoo shaqeeyay  Afghanistan, Bariga dhexe , iyo meelo kamid ah Qaarada africa.

Sidoo kale Ergeyga Cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa soo noqday agaasimihii Chatham House sanadkii 2012-ka sida lagu sheegay warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe,

Nikolas key ayaa ahaa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mudo gaareysa labo sano iyo Bar isagoona arimo badan ku guuleystay intii uu xafiiska Qaramada Midoobe Soomaliya Maamulayay.

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here