Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa lagu sheegay in bilowgii sanadkaan cusub ee 2017-ka dib loo soo celiyay 4,753-qof oo Qaxooti Soomaliyed kuwaasi oo ku jiray xerada Dhadhaab.
Madaxda Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee marka magacee lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inta aan maxkamadda Sare ee Kenya go’aanka aysan soosaarin ay hay’adda dib usoo celisay 4,753-qof oo qaxooti Soomaliyed oo haatan ku sugan goobihii loo qorsheeyay.
16-ka bishii Junuary ilaa iyo 30-kii Junuary ayaa la sheegay in lasoo celiyay dadka, arintaan ayaa la sameeyay inta aysan Maxkamadda Sare ee dalka aysan kasoo horjeesanin go’aanka Xiritaanka Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.
Meelaha ugu badan ee la dejiyay ayaa kala ah Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo iyo Baay.
Sidoo kale Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee marka magacee lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay in Toban duullimaad diyaaradeed in ay ku lug lahaayeen dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab.

