22-ka bishaan February Taliska Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya waxaa la wareegaya Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaa soo baxaya shaqsiyaad loo calaamadeynayo xilalka ugu sareeya ee Madaxtooyada Villa Somaliya.
Shaqaalihii hore ee la soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isu diyaarinaya inay faarujiyaan xarunta Madaxtooyada Soomaliya, waxaana xilalka ay baneynayaan ay yihiin kuwo loo wada ordayo oo cid walba ay dadaal ugu jirto inay buuxiso.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabaya sida horey usoo sameeyeen kuwii isaga ka horeeyay Agaasimaha Madaxtooyada, Madaxa Hab maamuuska, Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabi doono Taabit Cabdi Maxamed oo ahaa Safiir kuxigeenkii Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, haatan ka mid ah howl wadeenada Madaxweyne Farmaajo.
Taabit ayaa horay u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada, waxaa lagu tilmaamaa nin shaqo badan, oo horay wax badan soo qabtay, Sidoo kale waxaa iyana la filayaa in Taliyaha Madaxtooyada loo magacaabo Jen. C/llaahi Cali Caanood oo horay xilkaas hayay xilligii uu Madaxweynaha ahaa Shariif Sheekh Axmed.

