Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa maanta xarunta Safaaradda Soomaliya ee Magaalada muqdisho ku qaabilay Guddonka aqalka Sare ee dalka.
Gudoomiyaha Xubnaha aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ku-xigeenka kowaad ee aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyo Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee aqalka Mowliid Xuseen Guhaad iyo safiirka Turky-ga ee Soomaliya Amb. Olgan Bekar oo kulanka ka qeyb galay ayaa kawada hadlay arrimaha dalka Soomliya iyo sidii loogu shaqeyn lahaa hormarka dalka Soomaliya iyo dowladda Cusub Soomaliya.
“aad ayaan ugu Faraxsanahay in aan la kulmo Guddoonka aqalka Sare ee dalka ,waxaan kawada hadalnay arrimaha Soomaliya waxaan u rajenayaa guul iyo hormar”, ayuu yiri sariifka turkey-ga ee Soomaliya Amb. Olgan Bekar.

