Ciidamo Mareykan ah oo Ciidamada Kenya Ka Gacan Siinaya Dagaalka Al-shabaab

0

Dowladda Mareykanka aya haatan bilowday in ay gacan ka siiso Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika la dagaalanka dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa qoray in ciidamo Mareykan ah oo gaaraya 200 oo Askari in la geeyay nawaaxiga dhulka Keymaha Boni Forest ee fariisimada ay ku leeyihiin Xoogaga Jaysh Ayman ee Xarakada Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dagaalo ku qaada gudaha dalka Kenya.

Sababaha ugu weyn ee Ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay sidii Ciidamada Kenya ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Ciiddanka Maraykanka inay ka hawl-galayaan Saldhig ay Mareykanka ka dhisteen gacan-biyoodka Manda Bay ee Degmadda xeebta leh ee Laamu, halkaasi oo ay ka hagayaan Hawlgalka wadajirka ee ay Ciiddanka Kenya ku taageerayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here