Xildhibaanada Labada gole ( Guurtida iyo Wakiilada) ee Maamulka Soomali-land ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiiskii Saldhiga milateri ee Xukuumada Somali-land lagashay dawlada imaaraadka Carabta.
Kadib kulan ay ku yeesheen xarunta baarlamaanka ayay ku ansixiyeen Xildhibaanada In uu sharci yahay heshiiskii Saldhiga milateri ee xukuumada Somaliland lagashay dawlada imaaraadka carabta.
Kulanka waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha guuritda Saleebaan Nuur, Waxaa ogolaaday heshiiska 144 ( boqol iyo afar iyo afartan) xildhibaan, waxaa diiday hal xildhibaan, shana way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muucodayn.
Heshiiskan ayaa todobaad yadii ugu dambeeyay doodiisu ka taagnayd Somaliland kaasi oo bulshada qaybo kamid ahi ay diidanaayeen halka qaarna soo dhaweeyeen.

