Kooxaha Burcad Badeeda oo Af-duubtay Dooni laga leeyahay Wadanka Thailand

0

Kooxaha Burcad Badeeda Soomalida ayaa la sheegay in ay ku  af-duubteen Bariga degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Dooni la sheegay in laga leeyahay wadanka Thailand,

Agaasimaha la-dagalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in Rag gaaraya 3-burcad badeed ah ay ka dambeeyeen af-duub loo geystay dooni laga lahaa wadanka Thailand,

Waxa uu sheegay Agaasimaha la-dagalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane)  in doonida la af-duubtay  si sharci daro ah kaga kaluumaysanaysay xeebaha deeganada Maamulka Puntland.

Dhanka kale Agaasimaha la-dagalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir waxa uu sheegay in kooxaha Burcad badeeda ay doonida ula dhaqaaqeen dhanka degmada Ceelhuur ee Gobalka Galgaduud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here