Madaxweyne Osoble:-“Anaga Hadaan Soomaali Nahay Waa Xiiso Badanahay”,

0

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo kamid ahaa Madaxweynayaal Maamul Goboleed oo la kulmay Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/lahi Farmaajo ayaa sheegay in shacabka Soomaliyeed ay yihiin dad xiiso badan.

“Dareenka shacabka aad iyo aad ayuu u sareeyaa, balse xaqiiqada waxay tahay anaga hadaan shacabka Soomaaliyeed nahay waa xiiso badanahay, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii la doortay, sidaas aheyd, Sheekh Shariif markii la doortay sidaas aheyd, Xasan Sheekh markii la doortay sidaas aheyd, hadana Farmaajo markii la doortay waa sidii, xiisaha waa fiican yahay, xiisaha in aan la dhigin, lala shaqeeyo Madaxweynaha, dowladda horay u socoto, sidaas waaye”ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaliyeed in ay ka dhabeeyaan soo dhaweynta diiran ay u sameeyeen markii la doortay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo,wuxuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dowladda Cusub ee somaaliya ka curutay, islamarkaana aysan noqonin dad xiiso kaliyah ku koobnaaada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here