Qaar kamid ah qaxootiga Sooamliyeed ee ku jira Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ka hadlay sida ay u arkaaan go’aanka kasoo baxay Maxkamadda ee dalkaas ee lagu diiday xiritaanka xeryaha qaxootiga.
Dadka qaxootigda ku ah Dhadhaab oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in lala soo raagey go’aanka islamarkaana markaan ay doonayaan iney dalkooda kusoo laabteen ayna ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.
Qaarka ku haray Xiryaha Dhadhaab waxa ay sheegeen in dalkooda uu waa cusub u baryey, islamarkaana diyaar u yihiin in dib u dhiska dalkooda ka qeybqaataan, inta ku hartay Dhadhaabna ay dalkooda sidii ay kusoo aadi lahaayeen qorsheynayaan.
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is hortaagtay go’aanka ay dowladda ku dooneysay inay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, qaxootiga halkaa ku noolna ay dib ugu celiso Soomaaliya.
Maxkmadda sare ayaa go’ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn,Waxaa kale oo ay sheegtay in go’aankaasi uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga.

