Qar kamid ah Madaxweynayaasha Maamulka Goboleedyada dalka ka jira sida Puntland, Koonfur Galbeed Soomaliya, Galmudug, iyo Hir-shabeelle ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Cusub Maxamed C/laahi Farmaajo.
Kulan ayaa ka dhacay hoteelka Jaziirada waxaa diirada lagu saaray doorashadii Madaxtino ee Muqdisho ka dhacday iyo sidii wada-shaqeyn u yeelan lahaayeen Dowladda Dhexe ee Soomaliyaiyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Kulanka waxaa ka qeybta Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan, Madaxweynaha Galmudug State C/kariin Xuseen guuleed, Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle cali C/lhi osoble waxaa kulanka ka maqnaa Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Markuu soo dhamaaday kulanka waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Mudane Cali C/laaahi Osoble waxa uuna Sheegay in kulankan uu ka maqnaa kaliya Madaxweyne Axmed Madoobe, balse Madaxweynayaasha ay joogeen, isagoo xusay in kulankan uu ahaa mid uu ku casuumay Madaxweynaha cusub, si ay isku arkaan, isla markaana looga wada shaqeeyo hanaanka dowladnimada.

