Lorenzo Insigne oo Mar kale Rajeynaya in Xulkiisa Tayaaniga loogu Yeero

0

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Napoli ee Horyaalka dalka Talyaaniga Lorenzo Insigne ayaa aaminsan in Bandhigiisa kooxda Napoli loo Turjuman Karo in mar kale loogu yeero xulkiisa dalka Talyaaniga.

24-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Talyaaniga ayaa seegay ciyaarahii isreebka Uero 2016-ka ay xulka dalka Talyaaniga ay la ciyaareen xulalka Azerbaijan iyo Norway sidoo kalana wuxuu seegay ciyaarihii saaxibtinimo uu xulka dalka Talyaaniga la ciyaaray xulalka Belgium iyo Romania

Lorenzo Insigne ayaa Bandhig wanaagsan ku Haysta Horyaalka dalka Talyaaniga gaar ahaan kooxdiisa Napoli

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here