Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolada Jubada Hoose Oo Farmaajo Ka Dalbaday in Kenya uu ka Xureeyo (Dhageyso)

0

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka jubada hoose ayaa sheegay in xiligaani ciidamada xooga soomaaliya ay ku go;doonsanyihiin xero ku taalo magaalada kismaayo.

C/rashiid macalin Gaas oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada dowladda ee xiligaan ku sugan xero ay maamulaan ciidamada Kenya islamarkaana ay ku xareysan yihiin ciidamo ka tirsan Militeriga soomaaliya ayaa waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Cusub Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo in uu ka qaado bandow ay ciidamada Kenya saareen ciidamada militeriga soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in wax dhaq dhaqaaq inaan loo ogoleyn ciidamada militeriga soomaaliya islamarkaana dhibaato adag ay wajahayaan.
C/rashiid macalin gaas ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ee xiligaan joogo gobolka jubada hoose aysan heysan xurnimo sidaa daraadeedna ay dhibaato ku jiran xligaani.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here