Wasiirka Caafimaadka Somalia Ayaa Gaartay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

0

Wafdi ay Hoggaaminayso Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa gaartay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan maamulka Juba-land  iyo Madaxda wasaarada caafimaadka Maamulka Juba-land.

Dhanka kale  Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa u kuurgali doonta xaaladaha Caafimaad ee Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada-Hoose iyadoona sidoo kale kulamo la qaadan doonta intey ku sugan tahay Magaalada kismaayo Madaxda Wasaarada Caafimaadka Maamulka Juba-land oo ay kala Hadli doonto xaaladaha caafimaad ee gobolada Jubooyinka,

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed  ayaa Mudooyinkii dambe  Safaro ku Tagaysay Magaalooyinka Gobolada dalka soomaliya iyadoona dhawaan Gaartay Magaalooyinka Cadaado, Baydhabo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here