Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Difaaca Kenya ayaa booqday halka laga wado dhismaha darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka u dhaxeeya dalalka Somaliya Iyo Kenya, kaasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay sidii loo yareyn lahaa weerarada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadan Gudaha dalkaas.
Darbiga ayaa la dhameystiray qayb ahaan sida ay dowladda Kenya ay sheegtay,waxaana lagu xiray silig danabeysan iyada oo sidoo kale lagu dhajiyay digniino muujinaya in siliggu koronto ku xiran tahay, qofkii taabtana uu ku geeriyoonayo.
Saraakiisha Kenya ee goobtaas booqday waxaa hogaaminayay Joseph Boinnet, oo ah Taliyaha Booliska Kenya taliyaha ayaa difaacay go’aanka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee dhismaha darbiga Somaliya iyo Kenya.
Joseph Boinnet, oo ah Taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in aysan jirin wax qalad ah oo ka dhexjira wadamada Kenya iyo Somaliya dhismaha darbigana ay keentay un amni darrada ka jirta xadka labada dal ay wadaagaan.




